Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ismiidaamin oo ka Dhacay Baydhabo


Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu weeraray meel u dhow xero ay cidamadu leeyihiin magaalada Baydhaba.

Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga ee DKMG, Max'ed Cali Catoosh ayaa VOA u sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen laba qof oo midi askari yahay midna yahay qofkii isa-soo-miidaamiyay.

Magaalada Baydhaba ee xarunta Bay waxaa dhawaan sidoo kale ka dhacay qarax miino oo ay ku dhinteen in kabadan 10 ruux.

XS
SM
MD
LG