Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo Abaaraha ka Shirtay


Qaramada Midoobay oo Abaaraha ka Shirtay
Qaramada Midoobay oo Abaaraha ka Shirtay

Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelataysa kulan ku saabsan macluusha iyo abaarta ka jirta Geeska Africa.

Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada Rome ku yeelatay kulan ku saabsan wax ka qabashada abaarta iyo macluusha ka jirta Geeska Afrika, maalin ka dib markii dalka Australia uu ku soo biiray baaqyada caalamiga ee gargaarka gobolka.

Wakiilo ka socda dalaka G20, hay’ado ka socda Qaramada Midoobay iyo kuwa aan dowliga ahayn oo kulankaasi ka qeybgalay waxay ka digeen masiibadaasi inay ku baahdo gobollo kale oo Soomaaliya ka tirsan.

Geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaar tii ugu xumeyd inka badan 50 sano. Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in inka badan 11 milyan oo ruux ay gargaar cunno u baahan yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Australia, Kevin Rud, ayaa sheegay in haddii beesha caalamku ay ku guul darreysato bixinta gargaarka, in taasi ay ka dhignaan doonto, in boqolaal boqolaal kun oo Soomaali ah oo u badan caruur ay macluul u le’adaan. Rud ayaa u tegay Soomaaliya, si uu codsigaasi u jeediyo, si beesha caalamku ay uga hortagto in ay masiibo dhacdo.

Todobaadkii hore, Qaramada Midoobay waxay ku dhowaaqday in laba gobol oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jirto macluul daran.

XS
SM
MD
LG