Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo Eedaysay Eritrea


Qaramada Midoobay oo Eedaysay Eritrea
Qaramada Midoobay oo Eedaysay Eritrea

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeysay Eritrea inay qarax u geysan lahayd, shir ay isugu yimaadeen madaxda afrika.

Warbixin ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ka soo saartay Somalia iyo Eritrea ayaa waxaa ay ku eedaysay dawlada Eritrea in ay qorshaynaysay in ay gaadhi ku qarxiso shir madaxeedkii midawga Africa ee ka dhacay magaalada addis ababa.
Eedayntaasi oo kale ayaa hore uga soo baxday dawlada Ethiopia,arintaasi oo ay Eritriyana beenisay.

Warbixintan oo ay soo saareen guddiga Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ugu qaabilsan la socodka arimaha dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa waxaa lagu sheeggay in inkastoo ururka al shabaab aanay haysanin taageero balaadhan oo shacabka ah oo ay hogaankooduna aad u kala qaybsan yihiin, in ay hadana arinta ugu wayn ee ay cimri dhererka ku heleen ay tahay tamar darada dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia,iyo in ay dawlada ku meel gaadhka ah u suurta geli wayday in ay balaadhiyaan taageeradooda siyaasadeed oo ay amaba xukunka la wadaagaan dhinacyada kale ee siyaasadeed amaba milatari ee ka jira dalka Somalia

Waxaana kale oo ay warbixintu sheegaysaa in musuq maasuqa ka dhex jira hayadaha federaaliga ah eek u meel gaadhka ahina uu arinta ugu wayn ee hantaaqada ku noqotay sidii loo gaadhi lahaa dawlad meel mar ah oo shaqaynaysa,isla markaasna waa sida warbixintu ay sheegtaye uu musuqmuusuqu noqday caqabada ugu wayn ee hor taagan sidii loo jebin lahaa ururka al shabaab iyo qolyaha shisheeyaha ah ee ay wada shaqeeyaan ee jooga dalka Somalia

Waxaanay warbixintu intaasi ku daraysaa in musuq maasuqu uu uu is hortaagayo in xukun wadaag dhab ah lala sameeyo dhinacyada ka baxsan dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia ee ay ka midka yihiin Puntland,Galmudug iyo Ehelu sunna wal jamaaca oo uu wasiirada iyo xubnaha kale ee sare ee dawladana uu ka leexiyo in ay qabtaan hawlahooda ay masuuliyadu ka saran tahay ee laakiin ay daba galaan in ay helaan fursado hanta aad u badani ay ku jirto oo dhinaca ganacsiga amaba gargaarka ah

Waxaana warbixinta lagu sheeggay in ay arimahaasi ay keenaan in ay miisaaniyada ay dawladu ku shaqaynaysaa ay noqoto mid aad uga yar dakhliga dhab ahaantii soo gala,oo aanay mushaaharaad qaadanin shaqalaha dawladu ,oo ay ciidamaduna u goostaan dhinaca mucaaradka amaba ay budh cad badeed noqdaan oo rasaastana laga iibiyo mucaaradka

Guddiga soo diyaariyay warbixintani talaabooyinka ay u soo bandhigeen golaha amaanka ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa in si degdeg ah oo aan lahayn dib u dhac kale shakhsiyaadka iyo dhinacyada ay tilmaameen in ay loogu daro liiska ay ku jiraan dhinacyada lala beegsanayo talaabootyinka gaarka ah sidii ay dhigayeen go’aankii 751 ee ku saabsanaa dalka Somalia ee soo baxay sanadkii 1992kii iyo qaraarkii uu tirsigiisu ahaa 1907 ee soo baxay sanadkii 2007kii eek u saabsanaa Eritrea

Waxaana ay guddigu mar kale ku celiyeen in talaabo laga qaado shakhsiyaadka amaba dhinacyada halista ku keena in ay xasilooni daro ay ka abuuraan meelaha xasiloon ee dalka Somalia ee amaba qaab milatari u bedela khilaafaadka siyaasada amaba kuwa bulshada.Waxaana kale oo ay guddigu u soo bandhigeen golaha amaanku in ay talaabo gaar ah ka qaadaan cidii kasta ee ka tirsan hayadaha ku meel gaadhka ah ee federaaliga ah ee mija xaabin ku keenna dawlada ku meel gaadhka ah iyo ciidamadeedda.,ee amaba is hortaaga hawlaha dawlada ku meel gaadhka ah.

Guddigan ka tirsan jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa waxaa ay dhinaca kalena ugu baaqeen dawlada Kenya in ay iyada oo kaashanaysa hogaamiyayaasha beelaha iyo kuwa bulshada iyo ururadaba ay si degdeg ah uga fiirsato sidii ay u qaadi lahayd talaabo ay wax kaga qabanayso xag jirnimada,iyo dadka ay qortaan qolyaha xag jirka ahi iyo lacagaha ay urursadaan dhinacyada ay xidhiidhka leeyahiin al Shabaab iyo dadka la hayaaba

Waxaa kale oo ay warbixintani ku talinaysaa in ay dawlada ku meel gaadhka ahi ay si rasmi ah u mamnuucdo dhamaanba nooc kasta oo ganacsi ah oo ay maraakiibta waawayni ka sameeyaan dekedaha ay gacanta ku hayaan ururka Al Shabaab ee ay ka midka yihiin dekedaha ku yaalla magaalooyinka Kismaayo,Marka iyo Baraawe,oo ay raadiyaana in ay arintaasi iskaashi ay uga helaan wadamada ay Somalia deiska yihiin ,gaar ahaana wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta,iyo waliba wadamada ay ciidamadada baddu ay ka joogaan badwaynta India in ay meel mariyaan mamnuucidaasi

Waxaana kale oo ay warbixintana ku baaqaysaa in guud ahaanba wadamada xubnaha ka ah golaha iskaashiga khaliijku ay ka fiirsadaan in ay mamnuucaan dhamaanba dhuxusha looga soo dhoofiyo dalka Somalia

XS
SM
MD
LG