Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkado Ammaan oo Gargaar ku Baaqay


Shirkado Ammaan oo Gargaar ku Baaqay
Shirkado Ammaan oo Gargaar ku Baaqay

Shirkado kuwa ammaanka ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in gargaar xagga ammaanka ah lala gaaro dowlada Somalia, si ay isaga caabbiso kooxaha ku kacsan.

Shirkado kuwa ammaanka ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in gargaar xagga ammaanka ah lala gaaro dowlada Somalia, si ay isaga caabbiso kooxaha ku kacsan. arkii boqolaal u dagaalama ,daacadna u ah kooxda Alshabab ay ku soo qulquleen magaalada Muqdisho ,kumaankun dadkii Muqdisho deggenaa ayaa iyaguna u cararay meel magaada ka baxsan si ay u nabada galaan .


DKMG ee Somalia oo iyadu gacanta ku hayasa qaybo yar oo Muqdisho ka tirsan ,ayaa haatan cusbooniinaysay ballanqaadkeedii ahaa inay weerar iyo dagaal ku oogaan kuwa ka soo hor jeeda . Kooxahaaasi oo iyagu gacanta ku haya dhul baaxad leh oo Koonfurta ah oo ay sii dheer tahay dhul istrateji ah.


Mohamed Zayed waa la taliyah gaarka ah ee gobolka ee Shirkad Maraykan ah oo Sal dhigeedu yahay gobolka Phoenix ee dalkan Maraykanka .Shirkaddaasi oo qaabilsan dhinaca sugidda nabad gelyada,waxana abaal marino lagu siiyey dhowr jeer qandraasyo dhowr ah oo Ay Somali ka hirgelisay ,si loo hormariyo ,ka hor tegidda kooxaha Somalia ka dagaalama iyo weliba dhisidda ciidamo ilaaliya xeebaha oo la dagaalama Burcad badeedda .
Zayed ,waxa uu sheegay in dhaqaale yar oo qiyaastii ah $ 250 Million oo kal hore loogu yaboohay kaalmada dhinaca nabad gelyada ee Somalia , oo ay ku yaboheen deeq bixiyayaasha Caalamiga ah Loogu talo galay xajmiga lagau samaynayo dadaalka nabad gelyo ee Somalia

Lacagtu aad bay ugu adag tahay inay buuxiso howshaasi ,taa macnaheedu waxa weeye dhismaha xoog difaac oo Somalia ah, sida Bilayska ,Nbad sugidda iyo xoggag la dagaalanka Argagixisda si loo helo dowlad taaba gasha oo buuxisa fulinta waajibaadkooda wax qabad iyo inay nabadda soo celiso iyo xasilloonida S omalia .
Waxa uu sheegay in lacagtaa badankeeda loo isticmaalay Ciidamada nabad ilaalinta ee Africa ee Somalia jooga .
Zayed ,waxa uu intaasi ku daray ,in wax yar uun hore loo mariyo xajmiga nabad gelyo ee Somalia ay halis ku tahay Bariga Africa iyo iyo Dunida inteeda kale .

Khabiir kasta oo dhinaca nabad gelyada ah waxa uu kuu sheegaya inay xaaladu tahay mid cabsi leh ,halkaasi oo ay Ururka Al-Qaacida iyo kooxaha kale ee xag jiraa ay ka fuliyaan xagjirnimo ,argagixso iyo dhammaan dembiyada ,waxaanan filayaa in arrinku yahay mid nabad gelyo oo Caalami ah ,kaasi oo qof kasta ku halin kara cabsida ugu daran .
Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay ciidamo si fiican loo tababaray oo cusub in haatan la geeyey jiidda hore si ay weerar u qaadaan .


Laakiin nin u hadlay kooxda Alshaba ayaa dhowaan isagu ka digay in ciidamada Dowladdu waa sida uu hadalka u yidhiye,ay qoomamayn doonaan hadday weerar isku dayaan. Koxda Ashabab waxa kale oo ay u digeen Kenya inay ka lug baxdo ,in Kenya ay tababar siiso Askarta Somalia si ay weerar ugu soo qaadaan agaggooda Koonfurta .

La Xiriira

XS
SM
MD
LG