Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaahira: Beesha Caalamka oo ka Shiraysa Arrimaha Somalia


Qaahira: Beesha Caalamka oo ka Shiraysa Arrimaha Somalia
Qaahira: Beesha Caalamka oo ka Shiraysa Arrimaha Somalia

Magaalada Qaahira waxaa maantaoo Arbaca ah ka furmi doona kulan muhiim ah oo ay isugu imanayaan wadamada loo yaqaano kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia.

Kulankan ayaa waxaa shirguddoomin doona ergayga Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmadou Wald Cabdalla.
Waxaana ka soo qaybgalaya ergo ka socota wadamada kooxda Xiriirka Somalia oo ay hor kacayaan M araykanka iyo Norway, iyo weliba 50 waddan oo kale oo ka socda caalamka.
Sidoo kale waxaa madasha shirka ka muuqan doona ergo ka socota hay’adaha caalamiga ah.
Kulanka Qaahira ee maanta looga hadlayo arrimaha Somalia waxaa si toos ah u marti galinaya Jaamacadda Carabta oo uu halkaasi ka hadli doono Xogahaya Jaamacadda Camr Muusa , waxaana sidoo kale ka hadli doona ku xigeenka madaxa ururka wadamada Islaamka Taariq Bakhiit.
Sida lagu xusay war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan siyaasadda Somalia, Kulankan ayaa gogol xaadh u sii ah , shir weynaha caalamiga ah ee dib u dhiska iyo horomarinta Somalia oo bisha dambe lagu qaban doono Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka Qaahira ee maanta ayaa waxaa ka mid ah xoojinta ciidamda Somalia, dib u heshiisiinta, diyaarinta dastuurka Somalia.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmadu wald Cabdalla ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah iyada oo sida uu sheegay maanka lagu hayo mudada u hadhay DKMG oo wakhtigeedu ku eg yahay bisha August ee sanddka soo socda.
Ergaygu waxa kale oo uu xusay in ay muhiim tahay in DKMG ah iska xil saarto, arrimaha ay mudnaanta siinayso, kuwaasi oo uu ka xusay in ay jabiso kooxaha cadwaga la ah iyo in ay muujiso in ay danaynayso shacbka soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in 17kii bishan uu Axmadu wald Cabdalla uu booqasho ku tagay magaalada Muqdisho halkaasi oo uu sida uu sheegay kulamo wax ku ool ah la yeeshay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Sh Aadan Madoobe iyo xubno ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jamaaca .
Ururo badan oo daneeya arrimaha Somaliaya ayaa shirkan isha ku haya.
Ha’yadda u doodda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch oo todobaadkan warbixin ka soo saartay xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somaliya ayaa qoraal u gudbisay Xogahaya guud ee jaamacadda Carabta Camir Musa oo shirkan marti galinaya.
Qoraallka HRW oo ay xala soo saareen ayay ku booriyeen xogahaya guud ee Jaamacadda carabta in uu hor dhigo beesha caalamka iyo wadamada kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia , xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee ay ku kacayaan kooxaha ku dagaalammaya Somalia.
HRW ayaa ayaa ku eedaysay DKMG ah iyo Ciiidamada AMISOM in ay madaafiic ugu jawaabaan kooxaha ka soo horjeeda iyaga oo aan ku xisaabtamin waxyeelada soo gaadhi karta dadka rayiodka ah , waxaanay HRW xustay in taasi ay u muuqato inaanay jirin cabsi ay ka qabaan in falalkaasi lagala xisaabtamo.
Sidoo kale waxaa ay HRW ka codsatay beesha caalamka in ay shirka uga hadlaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatada joogtada ah ee ay AL Shababa iyoo kooxaha la fikirka ah ay ku hayaan shacbka Soomaaliyeed ee rayidka ah .
Waxaanay HRW ugu baaqday ergada beesha caalamka ee ku shiraya Qaahira in ay ka codsadan qaramada midoobay in ay guddi dambi badahis ah u saarto xadgudbyada binaadmino ee ka dhacaya Somalia, iyada oo ku boorisay Qaramada midoobay in ay si cad u cambaaraysay DKGM , AMISOM iyo Al Shabaab.
Sidoo kale waxay ka codsadeen in la joojiyo hubka loo dirayo Somalia ilaa inta laga sugayo ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadmaha.

Kulankan ayaa waxaa shir-guddoomin doona ergayga xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmadou Wald Cabdalla.

Waxaana ka soo qayb galaya ergo ka socota wadamada kooxda Xiriirka Somalia oo ay hor kacayaan Maraykanka iyo Norway, iyo weliba 50 waddan oo kale oo ka socda caalamka.

Sidoo kale waxaa madasha shirka ka muuqan doona ergo ka socota hay’adaha caalamiga ah.

Kulanka Qaahira ee maanta looga hadlayo arrimaha Somalia waxaa si toos ah u marti galinaysa Jaamacadda Carabta oo uu halkaasi ka hadli doono Xogahaya Jaamacadda Camr Muusa , waxaana sidoo kale ka hadli doona ku xigeenka madaxa ururka wadamada Islaamka Taariq Bakhiit.

Sida lagu xusay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan siyaasadda Somalia, Kulankan ayaa gogol xaadh u sii ah , shir weynaha caalamiga ah ee dib u dhiska iyo horomarinta Somalia oo bisha dambe lagu qaban doono Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka Qaahira waxaa ka mid ah xoojinta ciidamda Somalia, dib u heshiisiinta, diyaarinta dastuurka Somalia.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmadu wald Cabdalla ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah iyada oo sida uu sheegay maanka lagu hayo mudada u hadhay DKMG oo wakhtigeedu ku eg yahay bisha August ee sanddka soo socda.

Ergaygu waxa kale oo uu xusay in ay muhiim tahay in DKMG ah iska xil saarto, arrimaha ay mudnaanta siinayso, kuwaasi oo uu ka xusay in ay jabiso kooxaha cadwaga la ah iyo in ay muujiso in ay danaynayso shacbka soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in 17kii bishan uu Axmadu wald Cabdalla uu sida uu ku sheegay war saxaafadeedkiisa uu booqasho ku tagay magaalada Muqdisho halkaasi oo uu sida uu sheegay kulamo wax ku ool ah uu la yeeshay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Sh Aadan Madoobe iyo xubno ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jamaaca .

Ururro badan oo daneeya arrimaha Somalia ayaa shirkan isha ku haya.

Ha’yadda u doodda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch oo todobaadkan warbixin ka soo saartay xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somalia ayaa qoraal u gudbisay xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Camir Musa oo shirkan marti galinaya.

Qoraallka HRW ayay ku booriyeen xogahaya guud ee Jaamacadda carabta in uu hor dhigo beesha caalamka iyo wadamada kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia , xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee ay ku kacayaan kooxaha ku dagaalammaya Somalia.

HRW ayaa ayaa ku eedaysay DKMG ah iyo Ciiidamada AMISOM in ay madaafiic ugu jawaabaan kooxaha ka soo horjeeda iyaga oo aan ku xisaabtamin waxyeelada soo gaadhi karta dadka rayiodka ah , waxaanay HRW xustay in taasi ay u muuqato inaanay jirin cabsi ay ka qabaan in falalkaasi lagala xisaabtamo.

Sidoo kale waxaa ay HRW ka codsatay beesha caalamka in ay shirka uga hadlaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatada joogtada ah ee ay Al Shababa iyoo kooxaha la fikirka ah ay ku hayaan shacbka Soomaaliyeed ee rayidka ah .

Waxaanay HRW ugu baaqday ergada beesha caalamka ee ku shiraya Qaahira in ay ka codsadan qaramada midoobay in ay guddi dambi badahis ah u saarto xadgudbyada binaadmino ee ka dhacaya Somalia, iyada oo ku boorisay Qaramada midoobay in ay si cad u cambaaraysay DKGM , AMISOM iyo Al Shabaab.

Sidoo kale waxay ka codsadeen in la joojiyo hubka loo dirayo Somalia ilaa inta laga sugayo ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

XS
SM
MD
LG