Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Ciidan Dhigtay Jidadka Boosaaso


Ciidanka Puntland oo hub qabtay
Ciidanka Puntland oo hub qabtay
Maamulka Puntland ayaa ciidan dhigay waddooyinka magaalada Boosaaso si ay u adkeeyaan amniga kana hortagaya in la sameeyo dibadbaxyo. Mucaaradka Puntland ayaa ku dooddaya in maalinta bari ah uu ku egyahay wakhtiga kama danbeysta ah ee maamulka Puntland, balse madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in mudada maamulku ay tahay 5 sanno isla markaana wakhtigoodu uu ku eg yahay bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2014-ka.

Dhinaca kale, Degmada Qardho waxaa maanta ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo muddo-kororsiga maamulka.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay adkeynayaan amniga magaalooyinka Puntland kadid markii ay soo baxday hanjabaad ka timid ururka al-Shabaab oo ku aadan Puntland.

Degmada Qardho waxaa ka socday waan-waan uu wado madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cadde Muuse taasi oo uu ku doonayo inuu ku dajiyo xiisadda u dhaxeysa maamulka iyo mucaaradka ee ku aadan muddo-kororsiga.
XS
SM
MD
LG