Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Waraysi Khaas Siiyey VOA


Madaxweyne Shariif oo Waraysi Khaas Siiyey VOA
Madaxweyne Shariif oo Waraysi Khaas Siiyey VOA

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan magaalada Addis Ababa ku sugan ayaa waraysi khaas ah siiyey idaacaddan VOA. Madaxweynuhu waxa uu waraysigaasi ku sheegay in ururka Midnimada Afrika iyo beesha caalamkuba ay si weyn u taageersan yihiin barnaamijyada dawladdiisa.

Waxa maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyey shirkii maalmahanba halkaas uga socdey madaxda waddamada qaaradda Afrika.

Madexweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hogaaminayey wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeybgaley shirkaas ayaa xaley shirweynaha Midowga Afrika khudbad dheer ka akhriyey.

Markii uu shirka ka soo baxey ka dib, ayuu Madexweyne Shariif uu wareysi dheer oo gaar ah oo waxyaabo kala duwan lagu weydiiyey uu siiyey Laanta Af Soomaaliga ee VOA.

Cabdiraxman Yabarow oo ka tirsan Laanta Af Soomaaliga ee VOA oo jooga Washington ayaa khadka Telefanka ee Addis ku wareystey Madaxweyne Sheekh Shariif, waxana uu marka hore weydiiyey in arrimaha Soomaliya shirka looga hadley?

Waraysiga oo dhammaystiran ka dhagayso midigta sare

XS
SM
MD
LG