Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Peter King oo ka Digay al-Shabaab


Peter King oo ka Digay al-Shabaab
Peter King oo ka Digay al-Shabaab

Peter King oo ka tirsan aqalka Congresska ayaa sheegay in al-Shabaab ay si ka daran al-Qaacida u qoraneyso Muslimiinta Maraykanka.

Xubin ka tirsan Aqalka Congresska Maraykanka ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ay si ka badan al-Qaacida u qoraneyso Muslimiin Maraykan ah.

Peter King oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ahna guddoomiyaha guddiga amniga qaranka ee Congresska, ayaa u sheegay xildhibaanada Congresska Arbacadii maanta in kooxda al-Shabaab ay qoratay 40 muslimiin Maraykan ah.

King ayaa sheegay in ololaha ciidan qorashada al-Shabaab uu kor u qaadayo fursadaha ay kooxdaasi burburinta ugu geysan karto meel ka baxsan Geeska Afrika, wuxuuna sheegay in xubnaha Muslimiinta Maraykanka ee ku biiray kooxdaasi ay halis toos ah ku yihiin Maraykanka.

King wuxuu kaloo sheegay in al-Shabaab ay sidoo kale 20 Muslimiin ah ka qoratay dalka Canada. Wuxuu sheegay in guddigiisu ay ogaadeen in ugu yaraan 15 Maraykan ah iyo 3 Canadian ah ay ku dhinteen dagaalada Muqdisho, iyagoo ka dhinac dagaalamaya al-Shabaab.

Xubintan Congresska ka tirsan Peter King waxa uu hormuud ka ahaa xog dhageysiyo badan oo aad loogu murmay oo ku saabsanaa xagjireynta Muslimiinta Maraykanka. Dadka ka soo horjeeda waxay ku tilmaameen xog dhageysiyadaasi kuwo si caddaalad darro ah u bartilmaamedsanaya Muslimiinta, dambiilena ka dhigaya mujtamaca Muslimiinta dalkan Maraykanka.

XS
SM
MD
LG