Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 19, 2015

1
Dad ka qeyb galaya cayaarta loo yaqaan tai chi, ee lagu barto habka la isku difaaco loona dagaalo, gobolka Hunan ee dalka China.

2
Dhismeyaal uu dhismo ku socdo oo la arko, xlli ay tahay maalin ay jirto carceero, magaalada Rizhao ee gobolka Shandong ee dalka China.

3
Wiil raadinaya caagagta biyaha lagu cabo ee dib loo isticmaali karo, xilli mowjado hirar ah ay soo daadineyso duufaanta Koppu, xeebta Manila Bay ee dalka Philappines.

4
Dagaalyahanno shiico ah oo hubka artilariga ku ridaya kooxda Daacish, magaalada al-Fatha ee waqooyiga bari ee Baiji ee dalka Ciraq.