Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 15, 2015

1
Haweeney canugeeda ku riixeysa gaariga ilmaha, meel u dhow dooxada riyada (Dream Lake) ee magaalada Amherst ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.

2
Barafkii ugu horreeyey ee xilliga qabowga oo ku dhacay magaalada Zwoenitz ee bariga dalka Jarmalka.

3
Dhinacyada madow ee cadceedda oo laga arko sawirkan oo ay qaaday hay'adda NASA ee Mareykanka u qaabilsan hawada sare.

5
Baabuur ay sameysay shirkadda Audi oo yaalla meel banaan ah, magaalada Changchun ee gobolka Jilin ee dalka Shiinaha.