Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 13, 2015

1
Wiil yar oo sitta caagag uu doonayo inuu biyo kusoo dhaansado, ayada oo biyo la'aan ay ka jirto magaalada Sanca ee dalka Yemen.

2
Qoolley geed caleen sidda, magaalada Ravensburg ee Koonfurta Jarmalka.

3
Muslimiinta Indonesia oo magaalada Jakarta ugu dabbaal degaya billaabashada sanadka cusub ee Islaamka.

4
Nin ka mid ah ciidamada badda Indonesia oo bad-baadinaya Fransiskus Subihardayan, kadib markii diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo uu saarnaa ay bur-burtay, markaa kadibna uu badda ku dhacay.