Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khudbadda Sanadlaha ee Barack Obama


Madaxweyne Barack Obama ayaa khudbad dheer ka jeediyay aqalka Congress-ka, taasoo ah qudbadda uu sanadkiiba mar jeediyo.

Madaxwyene Barack Obama waxa uu khudbaddan diiradda ku saaray arrimaha gudaha dalkan Maraykanka. Arrimaha uu ku dheeraaday waxay ahaayeen dhaqaalaha, daryeelka caafimaadka iyo sidii loo dhimi lahaa culayska saaran midsaaniyadda dalkan Maraykanka.

Madaxweynuhu wuxuu ugu horeyn yiri “Sannad ka hor waxaan xafiiska qabtay innaga oo dhexda uga jirna laba dagaal, dalka uu ruxay hoos u dhac dhaqaale oo aad u daran, hannankii maaliyadeed oo qarka u saaran burbur iyo dawlad dayn ballaadhan ku jirta. Khubarada ayaa ka digtay in haddii aynaan tallaabo qaadin aan geli karno hoos udhac kale oo dhaqaale. Markaasi ayaan tallaabo qaadnay – tallaabo degdeg ah oo adag. Sannad kadibna duufanatii ugu darnayd way na dhaaftay."

Obama Waxa uu sheegay in weli dhibku jiro. Waxa uu yiri tobankii qof ee Maraykanka ahba midkood inuusan weli shaqo heli karin; goobo ganacsi oo badan ay xidhmayaan, qiimihii guryuhuna hoos u dhacay.

Madaxwyene Barack Obama waxa uu sheegay oo uu ku nuuxnuuxsaday in tallaabooyin natiijo keenay ay dawladdiisu ka qaaday shaqo la’aanta. Waxa uu sheegay in dawladiisu sii kordhisay gunnooyinka la siiyo dadka shaqo la’aantu haysato; iyo in caymiska caafimaadka 65% loo jebiyey qoysaska qaarkood; iyo in la ansixiyey 25 nooc oo canshuur dhimis ah

Madaxweyne Obama isagoo ka hadlaya canshuur dhimista wuxuu yiri “Aan ku celiyo, waa dhinnay canshuuraha. Waxaan canshurta ka dhinnay 95% qoysaska shaqeeya. Waxaan canshuurta ka dhinnay meheradaha yar-yar. Waxaan canshuurta ka dhinnay dadka markii ugu horraysay guryaha iibsanaya. Waxaan canshuurta ka dhinnay waalidiinta isku dayaya inay daryeelaan carruurtooda. Waxaan canshuurta ka dhinay 8 milyan oo Maraykan ah oo iska bixiya lacagaha waxbarashada kulleejada.

Obama wuxuu kaloo sheegay in tallaabooyinka ay qaadeen darteed ay shaqooyinkoodii haystaan ilaa laba milyan oo qof oo Maraykan ah.

Dhinaca kalena Madaxwyene Obama waxa uu intaasi ku daray in weli ay caqabado jiraan, waxana isaga oo baaq u jeedinaya labada aqal uu yidhi: “Waxaa ina horyaalla caqabado ad-adag oo waaweyn. Waxayna dadka Maraykanku rajaynayaan –oo ah waxa ay mudan yihiin – waa inaan dhammaanteen, Dimqoraadi iyo Jumhuuri labadaba inaan ka wada shaqyano waxyaabaha aynu isku khilaafsanahay, inaan ka gudubno culayska na xannibay ee siyaasadda ku salaysan. Dadka halkan inoo soo igmaday way kala duwan yihiin, sheekooyinkooda iyo waxyaabaha ay aamisan yihiinna way kala duwan yihiin, laakiin waxay ka siman yihiin waxyaabaha dareenka iyo walaaca ku haya – oo ah helitaanka shaqo biilkooda bixisa, fursad ay horumar ku samayn karaan, iyo tan ugu muhiimsan oo ah inay awood u yeeshaan inay carruurtooda u helaan nolol ka wanaagsan”.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay barnaamijka dib u habaynta caymiska caafimaadka ee dalkan Maraykanka, taasoo saadaasha codbixinta ee ay qaadeen warbaahinta qaarkood ay muujinayso inay taageersan yihiin oo keliya 30% dadwyenaha Maraykanka. Waxaase Madaxweyne Obama uu muujiyey in barnaamijkaasi daryeelka caafimaadku yahay mid ku weyn qorshaha xukuumaddiisa, wuxuuna yiri “Marka aan dhammeeyo khudbaddayndan caawa, dad kale oo dheeraad ah oo Maraykan ah ayaa weynaya caymiskoodii caafimaad. Malaayiin ayaa weyn doona sannadkan. Culayska miisaaniyaddeenu way sii kordhi doontaa. Lacagaha aasaasiga ah ee caymisku kor ayey u kici doonaan; lacagaha qofka ka baxa kor ayey u kici doonaan. Bukaanku waxa laga hor istaagi doonaa daryeelka ay u baahan yihiin. Mulkiilaayaasha meheradaha yar-yar waxay joojin doonaan inay kafaalo-qaadaan caymiska dhammaantiis. Dadkan meeshaasi ugama tagayo. Aqalkanna ma haboona inuu halkaasi uga dhaqaaqo."

Obama Waxa uu ka hadlay kiis ay toddobaadkii hore Maxkamadda Sare ee Maraykanku ku oggolaatay in hay’daha iyo shaqsiyaadka gaarka ah – oo ay ku jiraan shirkado shisheeye – inay maalgashan karaan doorashooyinka dalkan Maraykanka. Madaxweyne Obama waxa uu sheegay inuu tallaabadaasi ka horjeedo. "Ilama aha – ayuu yidhi - in doorashooyinka Maraykanka ay maalgeliyaan danaha awoodaha waawyen ku leh Maraykanka, waxaase taasi ka sii daran ayuu yiri inay maalgashadaan hay’ado shisheeye . Doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo ay go’aan ka gaadhistooda yeeshaan dadweynaha Maraykanka, waana taas sababta aan ugu baaqayo xubnaha Dimqoraadiga iyo Jumhuurigaba inay meelmariyana sharci saxa qaladkaas.

Intaasi kadibna waxa uu taabtay dhinaca siyaasadda dibedda ee Maraykanka oo ay ugu weynayd labada dagaal ee Maraykanku uga jiro Afghaanistaan iyo Ciraaq. Isagoo marka hore ka hadlay dalka Afghaanistaanna waxa uu yidhi: “Dalka Afghaanistaan waxan kordhinaynaa ciidankeenna waxaana tababaraynaa Ciidamada Ammaanka ee Afghanaistaan si ay hoggaanka u qabtaan bisha July 2011 ciidankeennuna u soo hoydaan.”

Barack Obama Waxa uu ka hadlay dagaalka Maraykanku kula jiro Al-Qaacida. Waxa uu yiri innaga oo dagaal kula jirnaa Al-Qaacida waxaan dhinaca kalena si mas’uuliyadi ku jirto uga soo baxaynaa dalka Ciraaq waxaana uga soo tagaynaa dadkooda. Markii aan musharraxa ahaa waxaan ballanqaaday inaan dagaalkan soo af-jarayo waana taas taan qabanayo haddii aan madaxweynaha ahay. Dhammaan ciidankeenna dagaalka way ka soo baxayaan dalkaasi dhammaadka bishan August.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maalgelin badan uu dalku ku bixiyey dhinaca ammaanka iyo inay carqaladeeyeen shirqoollo badan oo Maraykanka wax lagu yeelayey. Waxaan buuxinaynaa ayuu yidhi daldalooladii ka yimid weerarkii dhicisoobay ee la doonayey in lagu qarxiyo diyaaradda Maraykanka maalintii ciida masiixiga. Waxa uu sheegay in sannadkii la soo dhaafay la qabqabtay lana dilay boqollaal ka tirsan Al-Qaacida oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Madaxweyne Obama waxa uu hadalkan jeediyey iyadoo dadwyene badan oo Maraykan ay shaki ka qabaan barnaamijyadiisa. Waxa uu ku baaqay inuu diiradda saarayo dhaqaalaha balse waxaa ilaa hadda shaqadoodii waayey ilaa 3.5 milyan oo qof, waxaa guryahoodii lagala noqday ilaa 3 milyan oo kale. Warbaahinta dalkan Maraykanka aaraa’da dadweynaha ay qaadeenna waxay sheegayaa oo 67% ay qabaan in xaaladdu sii xumaan doonto.

Haddaba madaxweyne Obama oo ay dadweynaha Maraykanku doorteen inuu is-beddel ka samaynayo Washington muxuu arrintaasi ka yidhi; “Waxaan tartanka ku galay ballanqaadka ah isbeddel inaan samayno – isbeddel aan ruamaysan karno, sidaas ayuu odhanayey tabbeeluhu. Haatanse waxaan ogahay inay jiraan dad badan oo Maraykan ah oo aan hubin inay rumaysan karaan inaan isbeddel samaynayno – ama ugu yaraan inaan ballanqaadkaas fuliyo."

Waxa uu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa hadal iskugu jira rajo iyo dhiirrigelin. “Waxaa noo dhammaaday sannad adag; waxaan ka soo gudubnay toban sano oo adag. Laakiin waxaa curtay sannad cusub. Waxaa horteenna fidsan toban sano oo kale. Ma nihin kuwo quusta. Ma nihin dad ka hadha. Ma ihi nin ka hadha. Aan qabsano fursaddan – aan ku yagleelno bilow cusub, si aan hammiga hore ugu socodsiino, qarankeenna mar kale xoog ugu yeelno."

Warbixinta qudbada qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.


XS
SM
MD
LG