Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 6, 2015

1
Nin wata baaskiil oo dhinaca maraya gantaal soo dhacay, magaalada Douma ee bariga ka xigta magaalada Dimishaq ee caasimadda Syria.

2
Rag ku duula baarashuut garbaha shimbiraha oo kale u eg, oo isku diyaarinaya tartan ka dhacaya magaalada Zhaotong ee gobolka Yunan ee China.

3
Diaa Bekheet oo sawirtay bilicda dayr dhammaadka ee bannaanka dhismaha Rayburn House Office Building oo u dhow xarunta VOA ee Washington, D.C.

4
Darbi loogu yeeray "Darbiga Geerida" oo tartan mooto ay ku marayaan iskuna salaamayaan laba nin oo aad caan ugu ah tartamada mootooyinka, magaalada Bengaluru ee dalka India.