Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 18, 2015

1
Dad ka daadanaya markabka KM Wihan Sejahtera oo ku rogmaday biyaha gobolka East Java ee dalka Indonesia.

2
Booliis hubeysan oo jooga bannaanka garoonka Wembley ee magaalada London, ka hor cayaar dhex martay England iyo France.

3
Dad Hindu ah oo duceysanaya xilli ay ku guda jiraan dabbaal degga ciidda Chhath, kuna sugan dooxada Hussain Sagar ee magaalada Hyderabad.

4
Haweeney hoos socota calamo hoos loo dhigay, oo lagu xusayo dhibanayaasha weeraradii France. Magaalada Washington DC.