Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 2, 2015

1
Haweeney ubax kasoo uruursatay beer ku taalla magaalada Pampore ee qeybta India ay ka maamusho Kashmir.

2
Nin kaxeyna baaskiil sanado badan ka hor la sameeyey, isaga oo dhinac maraya aqalka baarlamanka ee Westminster ee England. Waxa uu ka qeyb-galayaa tartankii 119-aad ee "Veteran Car Run", oo ah tartan baabuurta, mootooyinka iyo baaskiilada la sameeyey ka hor 1905-kii ay ka qeyb galaan.

3
Ciidamada Masar oo dhinac taagan boorsooyinkii kasoo dhacay diyaaraddii laga lahaa Ruushka ee ku dul burburtay magaalada Hassana ee dalkaas, oo 224 qof ay ku geeriyoodeen.

4
Garret McNamara oo ah badmaaxe Mareykan ah oo dhex jibaaxaya hirar waa weyn, xeebta Praia do Norte ee magaalada Nazare ee dalka Portugal.