Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nolosha Soomaalida Dalka Liibiya


Nolosha Soomaalida Dalka Liibiya
Nolosha Soomaalida Dalka Liibiya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegay in Soomaalidu ay si xor ah hadda ugu nooshahay dalkaasi, dowladduna ay tixgeliso.

Soomaalida ku dhaqan dalka Liibiya ayaa lagu soo warramayaa inuu hoos u dhacay cadaadiskii dhanka sharciga ee uga iman jiray ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Ambassador Cabdulqaadir Maxamed Wacays oo magaalada Tripoli ugu warramay wariyaha VOA-da ee Yurub Cabdisalaam Ibraahim Hareri mar uu socdaal ku gaaray dalkaasi ayuu kaga warramay in xaaladda Soomaalida ay wax weyn iska bedeshay tan iyo markii isaga loo magacaabay xilka safiirnimo.

Safiirka ayaa sheegay in ay dowladda Liibiya kala xiriireen sidii looga sii dayn lahaa boqolaal Soomaali ah oo ku xir xirneyd xabsiyada dalkaasi, wuxuuna sheegay in aanu wakhtigan jirin qof Soomaali ah oo u xiran arrimaha la xiriira sharciyada socdaalka.

Dalka Liibiya waxaa ku nool Soomaali gaareysa 1,500 oo u badan dhalinyaro kuwaasoo noloshooda ka soo saarta gudaha dalkaasi.

XS
SM
MD
LG