Ninka lagu eedeeyay inuu isku dayay dilka qoraaga Salman Rushdie, taasoo keentay inuu wayao aragga isha midig, ayaa Talaadada wajahaya maxkamadeyntiisa dacwad la xiriirta isku day dil, sida ay muujinayaan dukumentiyada maxkamadda gobolka.
Hadi Matar, oo ah muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan Lubnaan ka soo jeeda, ayaa sidoo kale wajahaya dacwad kale oo heer federaal ah oo la xiriirta argagixisanimo, iyadoo lagu eedeeyay inuu weerarkii 2022 ku fuliyay magaca kooxda hubeysan ee Xizbullah.
Bishii Agoosto 2022, Rushdie—oo hadda 77 jir ah—ayaa lumiyay aragga indhihiisa midig, kaddib markii nin mindi ku hubeysan uu weeraray munaasabad suugaaneed oo ka dhacday gobolka New York. Qofka weerarka fuliyey ayaa ku dhuftay toorrey ku dhawaad 10 jeer isagoo si xowli ah ugu booday masraxa.
Qoraagan asalkiisu Hindiya yahay, balse haysta dhalashada Mareykanka oo ku nool New York, ayaa wajahayay hanjabaado dil tan iyo markii uu daabacay buuggiisa "The Satanic Verses" ama “Aayadaha Sheydaanka” sanadkii 1988, kaasoo hoggaamiyaha sare ee Iran uu ku tilmaamay mid aflagaado ku ah Islaamka.
Ayatollah Ruhollah Khomeini ayaa sanadkii 1989 soo saaray fatwo ku baaqaysa in Muslimiinta adduunka oo dhan ay dilaan Rushdie.
FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Xizbullah ay taageertay fatwadaas.
Hadi Matar ayaa u sheegay wargeyska New York Post in uu kaliya akhriyay laba bog oo ka mid ah buugga Rushdie, balse uu aaminsanaa in qoraagu "weeraray Islaamka."
Rushdie waxa ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen qoorta iyo caloosha kahor intaan dadkii goobta fadhiyay iyo ilaalada ay ka hor istaagin weerarka.
Matar, oo 27 jir ah, ayaa Talaadada ka soo muuqanaya maxkamadda degmada Chautauqua ee gobolka New York, halkaas oo uu dacwad oogaha ka yahay garsoore David Foley.
Waxa uu wajahaya dacwado la xiriira isku day dil iyo weerar.
"Waan is-taagay oo kaliya"
Rushdie waxa uu muddo tobanaan sano ah ku noolaa nolol qarsoodi ah magaalada London, kaddib fatwadii dilka ku baaqaysay. Balse 20-kii sano ee la soo dhaafay, waxa uu si xor ah ugu noolaa magaalada New York.
Sanadkii hore, waxa uu daabacay buug xusuus-qor ah oo la yiraahdo "Knife", kaasoo uu kaga sheekeeyay weerarkii lala beegsaday iyo waaya-aragnimadiisa.
"Maxaan u dagaallami waayay? Maxaan u ordi waayay? Waan is-taagay oo kaliya sida pinata oo kale, waanan u oggolaaday inuu i garaaco," ayuu qoray.
"Ma dareemin wax cabsi ama xanuun daran. Waxay u muuqatay mid iska dhacaysa... xaqiiqo ah."
Dowladda Iran waxay beenisay wax xiriir ah oo ay la leedahay Matar—balse waxay sheegtay in Rushdie uu isagu mas'uul ka yahay wixii ku dhacay. Eedeysanaha, oo hadda 27 jir ah, ayaa diidan inuu dambi qirto.
Rushdie, oo ka hadlayay buuggiisa "Knife", ayaa sheegay in weerarku uusan waxba ka beddelin aragtidiisa ku aaddan buuggiisa muranka dhaliyay.
"Waan ku faraxsanahay shaqadii aan qabtay, taasoo ay si weyn ugu jirto The Satanic Verses. Haddii qof raadinayo wax qoomamo ah, ha sii akhrinin," ayuu ku yiri buugga.
Rushdie waxa uu sidoo kale sheegay inuusan rabin inuu ka qeyb galo munaasabaddii lagu weeraray, islamarkaana labo maalmood kahor uu riyo ku arkay qof gladiator ah oo sitay waran, islamarkaana ku weeraray goob u ekayd madxaf Roma ah.
"Laakiin waxaan is iri, 'Nacas ha noqon, waa riyo kaliya,'" ayuu u sheegay CBS.
Madal