Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Ajanabi ah oo lagu Dilay Gaalkacyo


Magaalada Gaalkacayo
Magaalada Gaalkacayo

Nin u dhashay dalka Zimbabwe oo u shaqeynayay shirkad kaluumaysi ayaa caawa fiidkii lagu dilay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Nin u dhashay dalka Zimbabwe ayaa caawa fiidkii lagu dilay koonfurta Gaalkacyo. Afhayeen maamul-goboleedka Galmudug Axmed Max'ed Xasan Baasto ayaa VOA u xaqiijiyay dilka ninkaasi.

Axmed Baasto, wuxuu sheegay in ninkan lagu toogtay isagoo ku sugan xarunta shirkad uu u shaqeynayay oo ka howlgasha xeebaha maamulka Galmudug.

Afhayeenka Galmudug, Axmed Baasto wuxuu sheegay inaan wali la caddeyn cidda ka danbeysa dilka ninka iyo waliba sababta loo dilay, balswe wuxuu sheegay in ciidamada amniga ee Galmudug ay ku baadhayaan dadkii falkaasi geystay.

Ninkan u dhashay dalka Zimbabwe ayaa la sheegayaa inuu muddo sanad ah ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, isagoo u shaqeynayay shirkad gaar loo leeyahay oo ka shaqeysa kaluumaysiga.

XS
SM
MD
LG