Isku xirrada

Nigeria: 11 Qof oo Lagu Dilay Weerar Kaniisad


Nigeria

Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 11 qof lagu dilay, 18 kalena si darran loogu dhaawacay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla koonfurta bari ee dalkaas.

Goobjoogeyaal, ayaa markii hore sheegay in weerarka ay fuliyeen laba nin oo hubeysan, hase yeeshee Garba Umar, oo ah madaxa booliiska gobolka Anambra ayaa sheegay in hal nin kaliya uu fuliyey weerarka kaniisadda katooliga ee St. Philip, Axaddii.

Guddoomiyaha gobolka Anambra, Willie Obiano ayaa sheegay in weerarka uu salka ku hayo muran u dhaxeeya dad ku nool meel ka baxsan Nigeria.

“Ma nasan doonno illaa aan kasoo qabano kuwii ka dambeeyey weerarkan foosha xun” ayuu yiri.

Koonfurta bari ee dalka Nigeria ayaa waxaa ku badan dadka Kirishtanka, islamarkaana weerar lagu qaado kaniisad ayaa ah wax naadir ah.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee booliisku waxay sheegeen inaysan rumeysneyn in kooxda Boko Haram ay ka dambeysay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG