Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Dhulgariirka Nepal oo Kordhay


Shaqaalaha gurmadka iyo baadi-goobka oo ka imanaya meelo badan oo caalamka ah ayaa soo gaadhaya caasimadda Nepal ee Kathmandu laba maalmood kadib markii dhulgariir uu ku dhuftay kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 3,700 qof, kumanaan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weriyahaya VOA-da Steve Herman ayaa kusii jeeda caasimadda dalkaassi isaga oo la socda diyaarad ay saaran yihiin 70 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha qaabilsan baadi-goobka dhulka hoostiisa oo ka socda dalka Japan. Diyaaradaha milatariga ee degaya garoonka Kathmandu darteed ayaa diyaaradda uu la scday ay degi weyday waxaana loo leexiyey magaalada Kolkata ee Hindiya si ay halkaasi shidaal uga qaadato.

Herman waxa uu sheegay in diyaaradda ay la socdaan looga digay jahawareer ka taagan garoonka Kathmandu iyadoo minnaarada laga hago diyaaradaha laga kala cararay markii dhulgariirku uu dhacay. Sidoo kale garoonka waxaa ku sugan dad badan oo doonaya inay waddankaasi ka baxaan.

Madaxa hay’adda Oxfam Helen Szoke ayaa VOA u sheegay in dhulgariirkan uu laba masiibo u yahay dakaasi. Waxay sheegtay in burbruka waddankaasi ku habsaday uu curyaamiyey dalxiiska oo dhaqaalihiisu ku tiirsanaa.

Dhulgariirka dhacay Sabtida ayaa cabbirkiisa lagu sheegay 7.8 qiyaasta dhul-gariirrada waxaana xuddun u ahayd goob 80 KM dhinaca Waqooyi Galbeed ka xigta magaalada Kathmandu, waxaana uu burburiyey goobihii taarikhiga ahaa ee caasimadda.

Qaramada Midoobay oo soo xiganaysa warar laga helayo Nepal ayaa sheegtay in 35 ka mid ah 75-ta degmo ee waddanku ka kooban yahay uu saameeyye dhul-gariirku. Ilaa 30 milyan oo qof ayaa ku nool waddankaasi.

Dawladda Maraykanka ayaa ku yaboohday lacag dhan 1 milyan o dollar, waxaana waddankaasi ay u dirtay 56 xubnood oo ah shaqaalaha gurmadka iyo masiibooyinka dhulgariirka.

Dhulgariirka ka dhacay Sabtidii waddankaasi ayaa ah kii ugu xogganaa muddo 81 sano ah dalkaasi. Dhulgariirkii ugu cuslaa waxa uu waddankaasi ka dhacay sannadkii 1934-kii xilligaasi oo ay ku dhinteen 10 kun oo qof.

XS
SM
MD
LG