Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO: Afghanistan ha Hogaamiso Dagaalka


NATO: Afghanistan ha Hogaamiso Dagaalka
NATO: Afghanistan ha Hogaamiso Dagaalka

Wasiirada difaaca ee Gaashaanbuurta Nato oo shir laba maalmood ah ku leh magaalada Brusesels ee Xarunta Dalka Belgium, ayaa ku biiray Fransiiska iyo Mareykanka iyagoo ugu baaqay Ciidamada Afghanistan inay la wareegaan hogaaminta dhamaan howlgalada dagaalka ah ee dalkooda ka socda marka la gaaro sanadka 20013ka, taasoo ah sanad ka hor waqtigii horey loo qorsheeyay.

Xoghayaha Guud ee Nato Anders Fogh Rasmussen ayaa u sheegay xubnihii kulanka ka qeybgalayay inuu taageersanyahay waqtig cusub ee loo qabtay ciidamada Afghanista, hase yeeshee waxa uu ku nuux nuuxsaday in aanu jirin qorshe ay Nato uga soo baxeyso Afganistan xilli hore.

Mr. Rasmussen Waxa uu sheegay in Nato ay fileyso in gobolada ugu dambeya ay ku wareejiso ciidamada dalka Afganistan bartamaha sanadka 2013ka, laga bilaabo waqtigaasna doorka Ciidamada Nato uu si tartiib tartiib ah isaga bedeli doono dagaal oo uu isu bedeli doono kaalin taageeris.

Dhawaan ayaa xoghayaha difaaca ee Mareykanka Leon Panetta iyo Madaxweynaha Fransiiska Nicolas Sarkozy ay soo jeediyeen in ciidamada isbaheysiga ay soo gabagabeeyaan doorkooda hogaaminta dagaalka sanadka 2013ka.

XS
SM
MD
LG