Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muungaab oo Xil Cusub loo Magacaabay


Xasan Muungaab
Xasan Muungaab

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha caddaaladda dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu aqbalay “soo jeedinta magacaabista Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).”

Magacaabista Muungaab waxaa soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Warsaxaafadeedka madaxweynaha ayaa lagu sheegay “madaxweynaha oo tixraacaya soo jeedintaasi ayaa rasmi ahaan u oggolaadey una saxiixay soo jeedintaasi oo dhaqan gashey shaley oo taariikhdu ahayd 09, August, 2016”.

S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015.

Waxaa uu sidoo kale soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.

XS
SM
MD
LG