Kadib kulamo maalmahani uga socday magaalada Nairobi siyaasiin, wasiiro iyo xildhibaan kasoo jeeda muslimiinta Kenya ayaa maanta ay ku taagereen dastuurka.
Go’aankan muslimiinta ee maanta ayaa la filaayey inay gaaraan maalmahani. waxaana masuuliyiintii kulankaasi ka qeybgalay oo ay kamid ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano dalka mug weyn ku leh ay sheegeen in ay tahay in la dhowro wada noolaashaha iyo danaha guud ee dalka ,
Kulamo sidaan oo kale ay lahaayeen maalmahani hogaamiyaasha diimaha Kirstaanka ee kaniisadaha ayey ku diideen meel marinta dastuurka oo ay codsadeen in dib loo dhigo mudo sadex bilood ah iyagoo markaasi u arkayo inuu ahmiyad gaar ah u leeyahay Muslimiinta dalka marka la eego qodobo ay kamid yihiin kuwa maxkamadaha Qaadiga.
Hogaamiyaasha diinta Islaamka ee Kenya ayaa cod buuxa ku taageeray dastuurka cusub ee dalka .