Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Museveni: Argagixisada Ha Laga Sifeeyo Afrika


Museveni: Argagixisada Ha Laga Sifeeyo Afrika
Museveni: Argagixisada Ha Laga Sifeeyo Afrika

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni ayaa ugu baaqay madaxda Africa in la iska kaashado dagaal qaaradda looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Museveni ayaa hadalkan ka jeediyay shir madaxeedka waddamada Midowga Africa oo maanta ka furmay magaalada Kampala.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inay Africa ay laba jibaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisda.

Madaxweyne Musafeni, wuxuu sheegay in ciidamada Uganda ay Somalia gudaheeda ku baacsan doonaan kooxda Al-shabaab oo iyagu sheegtay inay ka danbeeyeen qaraxyadii 11-kii July ee ka dhacay magaalada Kampala. Shabaab-ku waxay sheegeen in in weeraradaasi ay uga aar-gudanayeen lugta ay ciidamada Uganda ku leeyihiin howlgalka AMISOM.

Shirka madaxda waddamada Africa waxaa sidoo kale furitaankiisii ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Eric Holder oo isagu wakiil ka ah madaxweynaha Maraykanka Barack Obama. Mr Holder, wuxuu sheegay in Maraykanka ay taageero buuxda siinayaan howlgalka ciidamada Nabad-ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Shir-madaxeedka waddamada Africa ayaa waxaa la filayaa in looga hadlo sidii ciidamo dheeraad ah loogu diri lahaa dalka Somalia iyo waliba sidii ciidamada AMISOM mandate-kooda loogu baddali lahaa, lagana dhigi lahaa nabad-sugayaal.

Dalka Guinea ayaa yaboohay ciidamo gaadhaya 850 askari oo lagu biirinayo kuwa AMISOM. Dhanka kalena Djibouti iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa iyaguna sheegay inay diyaar la yihiin ciidamo loo diro Somalia.

Shir-madaxeedkan waxaa la soo afjari doono 27-ka bishan.

XS
SM
MD
LG