Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Wareysi lala Yeeshay Clive Dennis


Clive Dennis oo u dhashay dalka Britain ayaa sheegay in aanu war ka haynin in Kismaayo ay AlQaacida joogto

Nin wata baasaboorka Birtain oo ay shalay ciidamada amniga ee dawladda Soomaaliya ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa beeniyey inuu doonayey inuu ku biiro ururka Al-Qaacida.

Waxa uu sheegay inuu doonayey oo keliya inuu ka garab dhowaado Muslimiin madow ah. Waraysi lagula yeeshay garoonka diyaaradaha oo soo gaadhay idaacadda VOA ayuu kaga hadlay dhibaatooyin uu sheegay inay haystaan Musliminta ku nool magaalada London.

Ninkaasi oo magaciisa ku qoran baasaboorka uu yahay Clive Dennis ayaa sheegay in magaciisa Islaamka uu yahay Kariim Cabdalla.

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG