Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulamo u Bilowday Madaxda Dowladda


Kulamo u Bilowday Madaxda Dowladda
Kulamo u Bilowday Madaxda Dowladda

Madaxweyne Shariif iyo guddoomiye Shariif ayaa Muqdisho uga bilowday wadahadalo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Muqdisho uga bilowday wadahadallo ay ku dhammeynayaan khilaaf in muddo ah labadooda ka dhaxeeyay.

Wadahadalka u bilowday labada dhinac waxaa shaaciyay Xildhibaan Cabdullaah Cabdulle Magan (Bood) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ku saabsanaa shir ay maanta xildhibaanada ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Bootaan ayaa sheegay in madaxda dowladda ay bilaabeen wadahadalo lagu dhammeynayo khilaafka u dhaxeeya, hase yeeshee wuxuu sheegay inay jiraan shakhsiyaad ka tirsan baarlamaanka oo ka xun ayuu yiri wadahadalka u bilowday madaxda dowladda.

Xildhibaanada maanta shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo fadhiyadii baarlamaanka, si loo dhaqaajiyo hawlaha baarlamaanka u yaalla.

XS
SM
MD
LG