Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada DKMG


Muqdisho: Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada DKMG
Muqdisho: Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada DKMG

Qaraxyo ayaa xalay fiidkii ka dhacay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Benaadir.

Laba qarax ayaa lala beegsaday fadhiisin ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Wadajir, gaar ahaa xaafadda Buulo Xuubey iyo Suuqa Weyn. Laba qarax oo kale ayaa iyagana lala beegsaday fadhiisimo kale oo ciidamada DKMG ay ku leeyihiin isgoyska Hawl-wadaag iyo Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshid

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarrada qaraxyadani dhaliyeen, balse dad goobjoogayaal ah ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 3 qof ay qaraxyadan ku dhaawacmeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaraxyadaasi kaddib bilaabay howlgallo baadhitaan ah, sidoo kale qaraxyadan ayaa hakiyay isu socodka gaadiidka ee degmada Wadajir.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uulliyada qaraxyadan xalay fiidkii lagu qaaday fadhiisimada ciidamada ee degmooyinka Muqdisho.

XS
SM
MD
LG