Duqayta oo u dhaxeeysay ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxa ay saamayn ku yeelatay qaybo ka tirsan dagmooyinka gobolka Banaadir, waxana deegaanada ay madaafiicdu ku dhaceen ka mid ah dagmooyinka Howlwadaag, Wardhiigleey, Huriwaa iyo xaafaddo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
Madaafiicdu waxay dhaawac iyo dhimasho gaadhsiiyeen dadka rayidka,iyadoo goobaha ugu daran ee ay dhimashada iyo dhaawacu ka dhaceen ay ka mid tahay xaafada Suuqa xoolaha ee dagmada Huriwaa
Dadka ku geeriyooday duqayntii shalay ayaa la xaqiijiyay ilaa iminka in tiro ahaan ay gaarayso 17 qof halka dhaawucuna uu caga cagaynayo ilaa 59 ruux sida uu VOA u sheegay madaxa ambalaasyada gurmadka ee magaalada Muqdisho Cali Muuse Sheekh oo intaasi ku daray in guud ahaan 59-ka qof ee ee dhaawucu soo gaaray ay kala geeyeen isbitaalada magaalada Muqdisho
Duqaynta shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaanay ilaa iminka ka hadlin dhinacyadii ay u dhaxaysay duqayntaasi, waxana jirta in inta badan duqaymaha ka dhaca magaalada Muqdisho oo ah kuwa soo noq noqda ay waxyeelada ugu ba'an ka soo gaarto dadka rayidka ah ee aan iyagu waxba galabsan.