Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qaxootiga Ciyaaraha Adduunka


Hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen bam lagu tuuray goob laga daawado ciyaaraha oo ku taalla Ceelasha Biyaha.

Tan iyo markii ay bilowdeen ciyaaraha koobka Adduunka ee ka soconaya dalka Koonfur Afrika ayaa dhalinyaro badan oo xiiseysa daawashada ciyaaraha u soo qaxay deegaanada ay ka taliso dowladda kmg ah.

Dhalinyaradaasi ciyaaraha jecel waxay badidood u qaxeen degmooyinka ay ka taliso dowladda KMG ah ee magaalada Muqdisho, qaarkoodna waxay u qaxeen Ceelasha Biyaha ee ay degan yihiin kumanaan barakacayaal ah ee ka qaxay dagaalada Muqdisho ka socda.

Inkastoo Ceelasha Biyaha ay ka taliso kooxda Xisbul-Islaam, haddana waxaa jira xaafadaha qeybtood oo si qarsoodi ah ciyaaraha looga daawado.

Dadka xaafadaha ciyaaraha laga daawado degan waxay had iyo jeer wadnaha farta ugu hayaan in ay dhibaato kala kulmaan canaasiirta diidan daawashada ciyaaraha.

Habeenkii xalay ahaa hal qof oo dhalinyaro ah ayaa ku dhintay labo kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii bam gacmeed lagu tuuray goob ciyaaro laga daawanayay oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha. Xilga dhalinyartaasi la dhex dhigay bamka waxaa ay daawanayeen ciyaartii dhexmaraysay dalalka Spain iyo Germany.

Dhibaatadan soo gaartay dhalinyarada ciyaaraha jecel ee kubbad jacayl darteed uga soo qaxay xaafadohooda waxay hoosta ka xariiqeysa inay khatar weyn ay haysato nolosha dhalinyarta loogu magac daray barakacayaasha banooniga.

XS
SM
MD
LG