Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dowladda oo Guulo Sheegatay


Muqdisho: Dowladda oo Guulo Sheegatay
Muqdisho: Dowladda oo Guulo Sheegatay

Abaanduulaha ciidamada xoogga ee DKMG Jeneral Cabdikariim Yuusuf Dhegabadan ayaa sheegay inay goobo cusub ka qabsadeen mucaaradka.

Ugu yaraan todoba qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaallamayay ayaa ku dhintay, dagaalo maanta ka dhacay Muqdisho. Abaanduulaha ciidamada xoogga ee Dowladda KMG Jeneraal Cabdkariim Yuusuf Dhegabadan oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen.

Abaanduulaha ayaa sheegay in dagaallada ka dhaca Muqdisho aysan ku waxyeeloobin dadka rayid ah, balse dadka ku dhintaa ay yihiin mucaaradka. Wuxuu kaloo sheegay in aysan jirin madaafiic dhinacooda laga rido oo dad rayid ahi wax ka soo gaaraan.

Dhinacyada ku dagaallama magaalada Muqdisho waxaa dadka ku dhinta, kuna dhaawacma u badan dad rayid ah, sida ay VOA-da u xaqiijiyaan saraakiisha gurmadka deg degga iyo kuwa caafimaadka ee cisbitaallada ka shaqeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday fariisimaha hore ee dagaalka, balse booqashada ayaa si deg deg ah loo soo gaabiyay, ka dib markii ay madaafiic iyo rasaas ku soo dhacday furunta hore.

XS
SM
MD
LG