Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Askar ka tirsan AMISOM oo la dilay


Muqdisho: Askar ka tirsan AMISOM oo la dilay
Muqdisho: Askar ka tirsan AMISOM oo la dilay

Afhayeenka ciidamada AMISOM Barigye Bohuko ayaa sheegay in 4 askari oo katirsan AMISOM ay ku dhinteen madfac ku dhacay madaxtooyada.

Madfac hoobiye ah oo ay rideen xoogagga ku kacsan dowladda kmg ah ayaa waxaa uu dilay afar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika oo ku sugnaa xarunta madaxtooyada, 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dhammaan askartaasi dhimatay waxay ka soo jeedaan dalka Uganda. Haddaba Afhayeenka AMISOM Major Bridge Bohuku ayaa wareysi uu siiyay VOA-da u xaqiijiyay dhimashada askartaasi.

Mr. Bohuku waxa uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda aysan ku guuleysan doonin dagaalka ay wadaan.

Wuxuuna sheegay in aysan jirin halis weyn oo laga digo, isagoo intaa raaciyay in ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin in ay masaxaan riyada kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

Bohuku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in beesha caalamku ay ogaato in dhibaatada ka jirta Soomaaliya aysan ahaaneyn mid kukooban, balse sidoo kale ay adduunka oo dhan saameyneyso.

XS
SM
MD
LG