Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Afar Qarax oo Goobo kala Duwan ka Dhacay


Muqdisho: Afar Qarax oo Goobo kala Duwan ka Dhacay
Muqdisho: Afar Qarax oo Goobo kala Duwan ka Dhacay

Saddex qara ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan degmada Yaaqshid, halka qaraxa kalena uu ka dhacay cisbitaal Banaadir.

Ugu yaraan afar qarax oo meelo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah ka kala dhacay ayaa dilay ugu yaraan 6 ruux, isla markaana dhaawacay tiro kale.

Saddex qarax ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen degmada woqooyiga magaalada ku taal ee Yaaqshid, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaran 4 ruux, dadkaas oo dhamaantood ahaa askarta dawladda. Sarkaal dhinaca ammaanka ah oo ku sugan degmada Yaaqshid ayaa VOAda u sheegay labo ka mid ah askarta dhimatay ay wadada miino ka saarayeen markii bambo kale oo dhulka lagu aasay ay ku qaraxday/


Qarax kale ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay cisbitaalka Banaadir, kaasoo dilay 2 ruux oo kala ahaa ilmo sagaal bilood jiray iyo bukaan-jiif dhiddig ah. Shan ka mid ahaa bukaan-jiifkii cisbitaalka ayaa iyaguna ku dhaawacmay qeybta nafaqaynta ee cisbitaalkaas.

Qarax afraad ayaa isna laga maqlay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Yaaqshid, laakiin dadka wax ku noqday illaa iyo hadda tiradooda lama garanayo.

XS
SM
MD
LG