Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 14 Hindiya oo Xukun lagu Ridday


Muqdisho: 14 Hindiya oo Xukun lagu Ridday
Muqdisho: 14 Hindiya oo Xukun lagu Ridday

Maxkamadda G/Benaadir ayaa xukun xarig iyo ganaax isugu jira ku ridday 14 Hindi ah oo shaqaale ka ah dooni lagu qabtay dekedda Muqdisho

Maxkamadda Gobalka Banaadir ee DKMG ah ayaa maanta xukun xarig iyo ganaax isugu jira ku riday 14 ruux oo u dhalatay dalka Hindia iyo haweeyney Soomaali ah, kaddib markii ay ku cadaatay eedeymo ay xeer ilaalintu ku soo oogtay oo sheegayay inay si sharci darro ah dhuxul uga soo rareen magaalooyinka Ksimaayo iyo Baraawe..

Dadkan u dhashay dalka Hindiya ayaa saarnaa dooni ay dowladda KMG dhawaan ku qabatay Muqdisho.

Qareenka Difaacayay eedeysanayaashan, Xasan Cabdulle Farayare ayaa isagu sheegay inaaney xukunkaasi muteysan karin Nimanka Hindiya u dhashay oo iska leh doonida dhuxusha maadama goobaha ay ka soo qaadeen dhuxushaasi ay yihiin goobo aysan dowladdu maamulin, balse ay ka taliyaan kooxaha mucaaradka dowladda ku ah.

Dhagaysiga kaddib ayaa maxkamaddu ku xukuntay 14-kan qof ee Hindiya u dhashay min hal sano oo xarig ah iyada oo doonidana iyo dhuxushuba lagu xukumay lacag ganaax oo gaadhaysa labo kun oo dollar midkiiba sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda Benaadir Xaashi Cilmi Nuur .

Maxkamadeynta oo ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa goob jog ka ahaa 9 ka mid ah eedeysanayaasha Hindiya u dhashay oo muddo 3 cisho ah ku xirnaa xabsiga, halka 5-ta kalena iyo haweeyneyda dhusha u rarneyd ee Soomaaliga ah la xukumay iyaga oo goobta ka maqan

Doonida dhushan ku rarnayd ayaa iminka ku xiran dekadda Magaalada Muqdisho kaddib markii dhawaan ay ciidamada dowladdu gacanta ku soo dhigeen, lamana oga sida ay dowladdu ka yeeli doonda dhuxusha ku raran inkasta oo Hindida xukunka lagu riday ay xabsiga ku xiranyihiin

Sikasta oo ay tahay waa markii ugu horeysay oo dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo rag Ajanabi ah ay ku riddo xukun mid kaan la mid ah oo iyagu jabiyay amarka loogu mamnuucay dhoofinta dhuxusha iyo waliba jarideeda.

XS
SM
MD
LG