Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mubaarak iyo Obama oo ka Hadlay Rabshadaha


Mubaarak iyo Obama oo ka Hadlay Rabshadaha
Mubaarak iyo Obama oo ka Hadlay Rabshadaha

Madaxweyne Mubaarak iyo Madaxweyne Obama ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda ka taagan dalka Masar.


Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak ayaa shaaca ka qaaday in uu xilka ka degayo, isaga oo sheegay inaanu doorashada soo socota ka qayb gali doonin.

Mubaarak oo xalay ka hadlay tilifishanka dawladda Masar ayaa sheegay in uu noloshiisa u soo huray dalkiisa iyo dadkiisa.

Madaxweynuhu ma sheegin in uu si deg deg ah uga degayo xilka uu soo hayay 30kii sano ee dambeeyay, balse waxa uu shaaca ka qadaay in inta ka dhiman dooraashada bisha Septamber ee sanadkan uu ka shaqayn doono sida isbedel nabadeed u dhici lahaa.

Khudbadda madaxweyne Mubaark oo ahayd mid hore loo sii duubay, ayaa aad uga cadhaysiiyay boqolaal kun oo dibad-baxayaal ah oo ku sugan faagaaraha Taxriir ee badhtamaha caasimadda Qaahira kuwaasi oo ku baaqaya in madaxweyne Mubaarak si deg deg ah xilka uga dego

Tilifishanka Al Jazeera ayaa sheegay in khudbadda madaxweynaha ka dib ay magaalada Alexandria ee waqooyiga Masar isku dhaceen taageerayaasha dawladda iyo dadka ka soo horjeeda.

Dhawaaqa rasaasta ayaa la maqlayay hase ahaate wax khasaara ah lama soo sheegin.

Maxamed Al Baraadici oo ka mid ah madaxda horkacaysa banaanbaxyada ayaa sheegay in uu madaxweyne Mubaarak u hadlay sidii qof isla-weyn oo aan rabin in uu xilka ka tego.

Dhinaca kalena Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in uu u sheegay madaxweynaha Masar Xusni Mubaark in loo baahanyahay in imika loo baahanyahay is bedel nabadgaliyo ah.

Obama oo ka hadlay warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in isbedelkani loo baahanyahay in uu horseedo doorasho xur ah oo xalaal ah oo ka dhacda Masar.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu tilifoonka kula hadlay madaxweyne Mubaarak kadib markii uu Mubaarak khudbad u jeediyay dadka reer Masar Xalay.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Obama uu kulamo xiriir ah la lahaa la taliyaashiisa sare ee dhinaca ammanka qaranka.

Dawladda Maraykanka ayaa hore ugu sheegtay Madaxweyne Mubaarak inuusan mar dambe isku sharaxin tartanka doorashada ee sanadkan, waxaana farriintaasi gaadhsiiyay ergayga maraykanku u diray Masar Frank Wisner.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso faallo iyo waraysiyo ku saabsan khudbadaha labada madaxweyne.

XS
SM
MD
LG