Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaafiic culus oo ku dhacay Muqdisho.


Muqdisho
Muqdisho

Qaar ka tirsan degmooyinka Muqdisho waxaa maanta ka dhacay duqayn culus oo sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 7 qof oo kale.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay 7 kalena way ku dhaawacantay duqeyn culus oo maanta ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Benaadir.

Degmooyinka ay duqeymuhu ka dhaceen waxaa ka mid ah degmada Yaaqshiid , Wardhiigleey , Shibis iyo Boondheere oo ah halka ay ka dhaceen dhimashada iyo dhaawaca ugu daran.

2-da qof ee dhintay iyo 7-da dhaawacantay ayaa dhamaantood ah dad rayid ah oo ay madaafiicdu guryahooda ugu tageen,waxaana dadka dhaawacmay gurmad u fidiyay howl wadeennada ambalaasyada magaalada Muqdisho kuwaasoo u daad gureeyay goobaha caafimaadka.

Duqeyntan maanta ka dhacay magaalada muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay daganayd magaalada muqdisho,waxaana sidoo kale ay ku soo aadaysaa xili ay mudooyinkii ugu danbeeyay dhinaca ciidamada Dowlada KMG laga dareemayaya tabaabusho aad u balaaran.

XS
SM
MD
LG