Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqayn ka Dhacday Muqdishu


Muqdisho
Muqdisho

Duqayn loo adeegsaday hoobiyayaal oo caawa fiidkii ka dhacday Muqdishu ayey ku dhaawacmeen ugu yaraan 11 qof. Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in laba kla mid ah ay yihiin dumar.

Ururka Al-Shabab ayaa la aaminsan yahay inuu ka dambeeyey duqayntan. Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in madaafiicda ay soo rogeen maleeshiyada Al-Shabab.

Cabdifataax Cumar Xalane waxa uu sheegay in ilaa lix saalbo oo hoobiyayaal ah ay kusoo dhaceen magaalada gaar ahaan xaafadda Buulo Xuubey. Dhammana dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay rayid yihiin.

Cusmaan Yuusuf oo ka shaqeeya gurmadka ambalaasyada ayaa sheegay inay daad gureeyeen 11 qof. Ciidamo ka tirsan dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa galay xaafado ka tirsan degmada Waaberi iyaga oo waday baadhitaanno.

XS
SM
MD
LG