Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Muqdishu oo Khasaare Nafeed Gaystay


Explosion Hits Militant-Held Area in Somalia
Explosion Hits Militant-Held Area in Somalia

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in laba qof ay dhinteen ugu yaraan lix kalena ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay suuqa Kaaraan ee magaalada Muqdishu.

Saraakiisha Gobolka iyo goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in dadka dhintay uu mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada canshuurta, halka qofka kale uu rayid ahaa, iyadoo kuwa dhaawacmayna ay dhammaantood yihiin rayid.

Qaraxan ayaa dhacaya maalintii labaad ee bisha Ramadaan. Habeenkii xalayna dablay hubaysan ayaa weerar ku qaadday xarunta ku meelgaarka ah ee duqa magaalada Muqdishu oo ku taal meel u dhow Hutelka Ramadaan.

Isla shalay dablay hubaysan ayaa toogatay saddex ka tirsan ciidamada dawladdda oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ilaalada waddooyinka.

Dhinaca kalena, mid ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka ayaa la sheegay caawa inuu ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdishu. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiiray baabuur uu watay qofkaasi shaqaalaha ahi.

Hoos ka dhagayso warbixinta Mukhtaar Maxamed Catoosh

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:09 0:00

XS
SM
MD
LG