Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Muqdishu


Baabuurka uu qaraxu haleelay ee uu ku dhintay Xildhibaanku
Baabuurka uu qaraxu haleelay ee uu ku dhintay Xildhibaanku
Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka ku dhintay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsiyeeyey dilkii xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta qarax lala beegsaday xilli uu ku jiray baabuurkiisa.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu dhintay kaidb markii uu qarxay bam loo hoos geliyey kurisga baabuurkiisa. Sawiarrada laga qaaday baabuurka ayaa muujinayey baaxadda qaraxa dhacay.

Isla qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay xildhibaan kale oo isna ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamud Cali Dhuux.

Madaxda dawladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si xooggan u cambaareeyey dilkan.

Xildhibaanka ayaa isla maanta lagu aasay magaalada Muqdishu, halka xidlhibaanka dhaawacmay lagu daweynayo cisbitaalka AMISOM.
please wait
Embed
blast
by VOA

No media source currently available

0:00 0:03:08 0:00
XS
SM
MD
LG