Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mo Farah oo ku Guuleystay Biladdii Labaad


Orodyahan Maxamed Faarax ee u orda Britain ayaa maanta ku guuleystay biladdii labaad ee dahab ah isagoo orday tartanka orodka 5kun ee mitir.
Tartanka maanta ee 5-kun ee mitir waxaa kaalinta labaad galay Dejen Gebremeskel oo u ordayay dalka Ethiopia.
Guusha maanta ayaa noqonaysa biladdii labaad ee dahab ah oo uu helo, wuxuuna toddobaadkii hore ku guuleystay tartanka orodka 10-kun ee mitir ee ciyaaraha olympic-ga ee ka socda London.
Maxamed Faarax oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa noqonaya orodyahankii ugu horreeyey ee u orda Britain ee ku guuleysta orodka dheer.
XS
SM
MD
LG