Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mitt Romney oo ku Guuleystay Illinois


Romney ayaa guul muuqata ka gaaray doorashadii gobolka Illinois, isaga oo helay 55%, halka Rick Santorum oo kusoo xigay uu helay 30%

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxweynenimo ee Maraykanka Mitt Romney oo isagu markii horeba hogaanka u hayey murashaxiinta kale ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii shalay oo Talaado ahayd ka dhacday gobolka Illinois. Romney ayaa balaariyey farqigii u dhexeeyey isaga iyo murashaxiinta kale ee la tartamayey.

Wakaaladaha wararka ee Maraykanka ayaa sheegay in Romney uu ku guuleystay in ka badan 55% codadkii dadka, iyada oo ku dhawaad 30%kiina ay dadku u codeeyeen ninka tartanka adag isaga kula jira Rich Santorum. Labada murshax ee kale ee Newt Gingrich iyo Ron Paul ayaa iyagu aad uga hooseeyey.

Guushan waxa Mitt Romney uu helay 54 wafdi oo dheeraad ah, tan uu siisay dardar xoog badan oo ka dhigi karta murashaxa hela in loo doorto inuu Obama la tartamo.

XS
SM
MD
LG