Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Xuska Maalinta Ubad Doonka


Shalay Waxaa Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ka dhacay xaflad loogu dabaaldegayay maalinta dhaldoonka ee wadanka Mareykanka oo sanadkiiba mar la qabto.

Xaflad munaasabadaha maalintaa loo sameeyay ka mid ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka Isuroon, oo ah urur ka hadla caafimaadka dumarka iyo raga Soomaalida, gaar ahaan kuwa aan weli caruurta dhalin.

Waxaan khadka taleefanka Minniapolis kula xiriiray Fartuun Cilmi Wehliye oo ah madaxa ururka Uba-doonka Somaliyeed ee gobolka Minnesota waxaana ugu horeyn weydiiyay bal inay faahfaahiso xafladii xuska aheyd ee ay sameeyeen.

XS
SM
MD
LG