MINNEAPOLIS —
Dhagaysiga dawcadda saddex wiil oo Soomaali ah oo ka socota magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maanta gashay maalintii sagaalaad.
Saddexda nin ee kala ah Maxamed Cabdixamiid Faarax oo 22 jir, Cabdiraxmaan Yaasiin Daa'uud oo 22 jir ah iyo Guuleed Cali Cumar oo 21 jir ah waxay ku eedaysan yihiin inay doonayeen inay ku biiraan ururka ISIS si ay taageero ugu muujiyana iyo inay qorshaynayeen inay gaystaan shirqoollo dil ah kadib marka ay ku biiraan.
Maalintii shalay waxaa dawladdu ay soo fariisisay mid ka mid ah markhaatiyaasheeda ugu weyn oo ah Cabdiraxmaan Bashiir oo si qarsoodi ah wararka ugu soo tebinayey hay’adda FBI-da.
Warbixintan waxaa inooga diyaariyey Haaruun Macruuf.