Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota:Soomaali dibadbax ka dhigtay


Minnesota:Soomaali dibadbax ka dhigtay
Minnesota:Soomaali dibadbax ka dhigtay

Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ayaa shalay dibad bax ay kaga soo horjeedaan joogsiga adeegga xawaaladaha halkaasi ka dhigay.

Magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa shalay galab ka dhacay dibad bax ay ka soo qeyb galeen boqolaal Somalia ah oo ka kala socday qeybaha bulshada.

Dibad baxaasi oo ahaa kii labaad oo noociisa ah ayey kaga cabanayeen iney waayeen meel ay lacagaha u maiyaan eheladooda ku nool Somaliya iyo geeska Africa, ka dib markii dhamaadkii bishii la soo dhaafay ee December bangiga kaliya ee xawaaladaha Somalida la macaamili jiray uu joojiyay adeegyadii uu xawaaladaha u hayay, sidaana ay ilaa 14 xawaaladooda xafiisyadooda irdaha ugu laabeen.

Warbixin ku saabsan dibad baxaasi halkan hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG