Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliiska Minneapolis oo Qabtay Wiil 17 Jir ah


Booliiska Minneapolis oo Qabtay Wiil 17 Jir ah
Booliiska Minneapolis oo Qabtay Wiil 17 Jir ah

Booliiska magaalada Mineapolis ee gobolka Minesota ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen wiil 17 ah oo lala xiriirinayo dil saddex rag ah oo laba ka mid ah ay Soomaali yihiin midka kalena dalka Itoobiya u dhashay kuwaasi oo toddobaadkii hore loogu gaystay dukaan ku yaalla magaaladaasi.

Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minesota ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen wiil 17 ah oo lala xiriirinayo dil saddex rag ah.

Wiilkaasi la qabtay ayaa lala xiriirnayaa dilka saddex qof oo laba ka mid ah ay Soomaali yihiin midka kalena dalka Itoobiya u dhashay kuwaasi oo toddobaadkii hore loogu gaystay dukaan ku yaalla magaaladaasi.

Af-hayeen u hadlay booliiska William Palmer ayaa idaacaddan VOA u sheegay inay raadinayaan hal qof oo kale.

Warbixinta Saciid Yuusuf Sheekh Cabdi ka dhagayso dhinaca kore ee midigta

XS
SM
MD
LG