Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Michigan: Soomaali Dambi lagu Helay


Michigan: Soomaali Dambi lagu Helay
Michigan: Soomaali Dambi lagu Helay

Labo wiil oo Soomaali ah ayaa lagu helay dambi ah inay isdaba marin ku sameynayeen lacago uu Maraykanku deeq ahaan u bixiyo.

Wargays ka soo baxa gobolka Michigan ee dalkan Maraykanka ayaa qoray in labo nin oo Soomaali ah oo walaalo ah lagu helay dambi ah inay isdabamarin jireen lacagaha ay dowladda Maraykanka ugu deeqdo dadka dakhligoodu uu hooseeyo.

Labadaasi nin ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Sufi iyo Cumar Sufi oo iyagu lahaa dukaan lagu iibiyo hilibka xalaasha ah.

Cumar Sufi ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah iyo inuu gudo lacag dhan $401,670. Halka Maxamed Sufina uu isagu xukun sugayo. Cali Maxamuud Cali oo kormeere ka ah Waaxda Adeegga Bulshada ee Ramsy County ee gobolka Minnesota, ayaa VOA-da u sheegay in in sharci darro ay tahay arrintaasi ay ku dhaqaaqeen labadaasi nin ee walaalaha ah.

XS
SM
MD
LG