Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mayd Wali dhexyaalla Cisbitaalka SOS


Mayd Wali dhexyaalla Cisbitaalka SOS
Mayd Wali dhexyaalla Cisbitaalka SOS

Hay’adda SOS ayaa sheegtay in maydka mid ka mid ah shaqaalaheeda uu ku xayiran yahay gudaha cisbitaalka SOS ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Cali Shabaaye oo ka tirsanaa shaqaalaha SOS ayaa dhintay kaddib markii cisbitaalka SOS uu saameeyay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada DKMG/AMISOM iyo ururka al-Shabaab.

Tommy Standun oo ka tirsan SOS ayaa wareysi uu siiyay VOA ugu baaqay DKMG iyo AMISOM in loo ogolaado sidii ay maydka uga soo qaadi lahaayeen Cisbitaalka.

Tommy wuxuu kaloo ku baaqay in shaqaalaha SOS dib loogu oggolaado cisbitaalka si dib loogu furo adeegyada Cisbitaalku u hayo caruurta iyo dumarka Soomaalida.

XS
SM
MD
LG