Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo Ra’isul Wasaare Cusub Yeelatay

Madaxweynaha Cusub ee dalka Masar Mohamed Morsi ayaa u magacaabay wasiirkii biyaha iyo waraabka ee Masar Hesham Kandil inuu noqdo Raisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Warbaahinta afka dowladda Ku hadasha ayaa sheegtay maanta oo talaada ah in Madaxweyne Mursi uu weydiistay Mr. Kandil inuu soo dhiso gole xukumadeed.

Mr. Kandil ayaa bedelaya Ra’isul wasaarihii hore ee Masar Kamal al Ganzouri, oo jagadaasi iska casilay bishii la soo dhaafay.

This item is part of
XS
SM
MD
LG