Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Makrafoonka iyo Aabaha Sanadka ee Finland


Martida Makrafoonka iyo Aabaha Sanadka ee Finland
Martida Makrafoonka iyo Aabaha Sanadka ee Finland

Barnaamijka waxa marti u ah C/Shakuur Maxamuud Macallin oo ah Soomaali ku guulaystay abaal marinta sannadka ee dalka Finland.

Todobaadyadii u dambeeyay warbaahinta caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay falal kala duwan oo isugu jira ka ganacsiga hablaha yary yar iyo arrimo kale oo kuwaasi aad uga fog sida argaggixisada iyo taageerada ururada xagjirka ah.

Marka aad wararka soomaalida la xidhiidha ee baryahan dambe warbaahintu tabinayso aad maqashid waxaa sawirka kuu soo baxayaa uu yahay mid mugdi badan.

Hase ahaate sida runta ah xaqiiqadu sidaasi ma wada aha, oo waxa jira shakhsiyaad soomaaliyeed oo si mug leh uga dhex muuqda bulshada ay la noolyihiin, waxaana maanta marti inoogu ah barnaamijka mid ka mid ah shakhsiyaadkaasi.

Dalka Finland waxa sanad kasta laga xusaa maalinta aabaha, hadaba waxa sandakan loo doortay inuu noqdo aabaha ugu wanaagsan Finland muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdishakuur Maxamuud Macallin, waxaana uu marti inoogu yahay barnaamiijka martida makrafoonka.

Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG