Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Makarafoonka: Saameynta Amni ee Libya


Martida Makarafoonka: Saameynta Amni ee Libya
Martida Makarafoonka: Saameynta Amni ee Libya

Barnaamaijka waxaynu ku faaqideynaa saameynta dhanka ammaanka ah ay ku yeelan karto hubka gacanta u galay shacabka dalka Liibiya.

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa dunida carabta waxaa ka socday qalalaase siyaasadeed oo lagu doonayo in isbedel lagu sameeyo nidaamyada muddada dheer ka talaniyay dalalka qaarkood.

Bannaanbaxyadii ka dhacay dalalka Masar iyo Tunisia waxay u dhacayeen si nabadgelyo leh oo ay dadku ku dalbanayeen in nidaam dimoqraadiyadeed la soo rogo. Hase yeeshee qalalaasaha siyaasadeed ee dalalka qaarkood ayaa u muuqda mid isku bedelay rabshad iyo deganaansho la'aan.

Dalka Liibiya ayaa ka mid ah oo lagu soo warramayo in mucaarad hubeysan iyo ciidanka dowladda ay dagaallameen. Haddaba waa maxay saameynta ay gobolka ku yeelan karto haddii Liibiya uu ka dhaco dagaal sokeeye.

waxaan barnaamijkan ku marti qaadnay Korneyl Daahir Aadan Cilmi oo ku magac dheer (Indho Qarshe) oo ah Khabiir dhanka militariga ah oo ku nool dalkan Maraykanka.

XS
SM
MD
LG