Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab saliid sida oo la weeraray


Markab saliid sida oo la weeraray
Markab saliid sida oo la weeraray

Burcad-badeedda Somalia ayaa afduubtay markab saliida sida oo Ruushka laga leeyahay, Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa ku dabajooga burcaddaasi.

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa daba jooga markab saliida qaada oo saaka ay burcad-badeedda Somalia ku afduubteen badweynta Hindiya.

Markabkan la weeraray oo lagu magacaabo Moscow University, ayaa la sheegayaa inay koreen oo gudaha u galeen burcad-badeed hubaysan. waxaana la sheegayaa inay koreen

Sarkaal ka tirsan shirkaddaha maraakiibta ayaa sheegay in captain-kii markabku uu awood u helay inuu xiriir la sameeyo markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo lagu magacaabo Marshal Shaposhnikov kaasoo haatan ku daba jira markabka burcaddu ay weerartay.

Jan Thornqvist, oo ah abaanduulle ka tirsan ciidamada Midowga Yurub ee ka dhanka ah burcad-badeedda ayaa u sheegay weriyayaasha in shaqaalihii markabka lagu xiray qolka markabka laga hago, isla markaana ay burcad badeeddu la wareegeen markabka.

23 shaqaale ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa saaran markabka.

XS
SM
MD
LG